Machadka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo isbarbar dhigay DF Soomaaliya & Al-Shabaab.

Saturday July 25, 2026 - 19:14:20
MeMO Staff
Institute of Foreign Affairs (IFA), oo ah machad cilmi-baariseed oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa maqaal uu maanta baahiyey ku sheegay in awoodda Al-Shabaab aan lagu qiimeyn karin oo keliya dhulka ay gacanta ku hayso, balse ay ka muhiimsan tahay in lagu cabbiro habka ay u maamusho deggaannada ay gacanta ku hayso.
Sida uu xusay maqaalku, haddii la fiiriyo hal-beegga dagaalka Soomaaliya, ee ah cidda gacanta ku haysa dhulka, magaalooyinka iyo cidda ku gacan-sarraysa dagaallada, sannadkii 2025 wuxuu ahaa sannad adag oo ku yimid ololaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qormadu waxay carabowday in hey’adda International Crisis Group, ay sheegtay in horumarka ay Al-Shabaab samaysay sannadkaasi uu wiiqay guullo ay dowladdu ka gaartay gulufkii 2022–2023, taasoo dagaalka dib ugu celisay ayay tiri, xaalad siyaasadeed iyo mid millateri oo ismariwaa ah.

Haddaba warbixintu waxay tiri, iyadoo taasi ay sidaas tahay, haddana arrinta ugu saamaynta badan ayaa ah, cidda leh awoodda dhabta ah ee maamulka, sida, xakamaynta isu-socodka, xallinta khilaafaadka, iyo dhaqan-gelinta sharciga lagu maamulo deggaannadaasi.

Marka laga yimaaddo dhulka ay sida tooska ah u maamulaan jihaadiyiintu, waxa kale oo qormadu ka sanqariyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay sidoo kale zakawaadka ka qaadaan degmooyin ay dowladda federaalku gacanta ku hayso.

Waxa kale oo Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ee Institute of Foreign Affairs, uu si cad u sheegay in shacabka ku nool deggaannada ay maamusho dowladda federaalku ay u dacwo-tagaan maxkamadaha islaamiga ah ee Xarakada Al-Shabaab.

Qormadu waxay tilmaantay in si kastoo Al-Shabaab loo saaro cadaadis millateri, haddana awooddeeda maamul uusan marnaba liicin, arrintaas oo machadku sabab uga dhigay nidaamka garsoorka ee lagu xalliyo khilaafaadka ee ku salaysan Shareecada Islaaamka.

Waxa kale oo qormadu tilmaantay in farqiga u dhaxeeya nidaamka jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo kan dowladda federaalka lagu kala garan karo habka ay ula macaamilaan ganacsatada badeecadaha kala duwan isaga gudbisa deggaannada labada dhinac.

Kantaroolka ay maamulaan jihaadiyiinta Al-Shabaab ayuu maqaalku tilmaamay in si wanaagsan loola dhaqmo ganacsatada, iyadoo laga qaado lacag cad oo nidaamsan oo la geliyo diiwaanka, isla markaana loo jaro rasiid ay ku mari karaan deggaannada ay maamulaan oo dhan.

Dowladda federaalka ayuu machadku iftiimiyey in hagardaamo xooggan ay ku hayso bulshada, isla markaana goobaha ay isbaarooyinka dhigato aad loogu dhibaateeyo ganacsatada, lagana qaado lacago fara badan oo nidaamkoodu uusan caddayn.

Ganacsatada ku safra waddooyinka dowladdu maamusho ayay qormadu tilmaantay in dhibaatooyinka lagala kulmo ciidnka dowladda ay ka mid yihiin in isbaaro walba lagu qaado lacago gaar ah, oo jahawareer joogta ah ku haysa ganacsatada.

Sida ay tilmaantay qormadu, bulshadu waxay si weyn u danaynayaan nidaamka toosan ee ku salaysan shareecada Islaamka. Waana sababta ay jihaadiyiinta Al-Shabaab saamaynta ballaaran ugu yeesheen bulshada dhexdeeda.

Maqaalku wuxuu ka marag-kacay isla markaana uu xusay in warbixinno maxalli ah iyo hey’ado caalami ah oo cilmi-baariseed ay qireen in bulshada iyo ganacsatu ay doorbidaan maxkamadaha shareecada ee jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Maxkamadahan islaamiga ah ayay qormadu ka sanqarisay inay wax ka qabtaan khilaafaadka dhulka, murannada ganacsiga iyo cabashooyinka beelaha. iyagoo si dhakhso ah oo wax-ku-ool ah u xalliya kiisaska soo gala.

Si kastaba, waxa xusid mudan in maqaalkan uu baahiyey Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya uusan marnaba Al-Shabaab u adeegsan erayga "argagixiso”, balse uu u isticmaalay kacdoon hubaysan iyo wax la mida, iyadoo arrintaas ay sidoo kale hey’adaha cilmi-baarista qaarkood dhawaan isticmaalayeen.

FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:

Related Items

Update cookies preferences